Ganacsi Lacag La'aan Bilow Episode 30
Gurmad Consulting Gurmad Consulting
2.8K subscribers
684 views
45

 Published On Nov 5, 2023

Ganacsigii 30aad iyo maalintii 30aad.

Ganacsi ma la bilaabi karaa lacag la'aan?

Waxaynu kaga jawaabi doona barnaamijka ama challenge ka #Ganacsi_Bilow inshaallah.

Waxaan bilaabi doonaa 30 ganacsi 30 ka cisho ee soo socda, maalin kasta waxaan idin tusi doonaa anigoo bilaabaya ganacsi cusub, adigana waxaan kugu challenge garyn doonaa inaad hal fikrad la timaado.

Barnaamijkani waa mid aan horey uga dhicin dalka iyo caalamkaba waa barnaamij xiiso badan oo aanh ugu talogalnay inuu cariyo maskaxahiina sidoo kalena ibo furo hab fikir ka duwan ka hada aynu leenahay.

Waa barnaamij aanu ugu talo galnay inuu noqdo mid hoga tusaaleeya qaabka ugu fudud ee ganacsi aad u bilaabi karto, waana challenge aanu ugu talo galnay inuu soo afjaro muranka ka taagan in ganacsi la bilaabi karo lacag la'aan.

Barnaamijku wuxuu ka koobanyahay sadex qaybood:

Qaybtab 1aad: Tababar ka online ka ah iyo 30 fikir ganacsi oo aanu maalin walba mid bilaabi doono inshaallah.

Qaybta 2aad: shaqo abuur, inta uu barnaamijkani socdo waxaanu shaqo carbin u qaadan doonaa in kabadan 130 qof oo lagu tababaro doono sidii ay ganacsiyadan u wadi lahaayeen.

Qaybta 3aad: Maalgalin; dhamaadka 30ka cisho waxaanu ardayda dhamaysatay tababarka u qaban doonaa tartan, tartankaas oo aanu qaadan doonaa 100 qof oo ka mida tartamayaasha buuxiyey dhamaan shuruudaha laga rabo.

Wixii talo, fariin, ama aragti ah fadlan nala soo wadaag.

Mahadsanid.

Wixii faahfaahin fadlan booqo https://gurmadconsulting.com/ganacsi-...

Guul iyo caafimaad ayaanu idiin rajaynaynaa

#gurmadconsulting

Hoyga horumarinta iyo kobcinta ganacsatada iyo ganacsiyada.

#Marketing #Sales #Marketresearch #Customerservice #Training #ConsultingAgency #Somaliland #Somalia
#Innovation #Business_Training #Business_coaching #Business_success #Business_planning #Marketing #Digital_Marketing #Entrepreneurship #Ideas #Market_research #Business_events #Business_systems #investment #sales

show more

Share/Embed