Nin wayn dibad lama dhigee.
Siddiiq Burmad Siddiiq Burmad
9.07K subscribers
473 views
13

 Published On Aug 2, 2024

Dhaxan daran oo markay
Bannaanada lagu dabriyo
Ka hesho dibaddiyo cidlada
Dameeraha laysabaa
Jirtee dugsigeygiiyeey
Dibada iga soo xaree.

Dubkaa gargariirayiyo
Gacmaha inay diirsadaan
Agtooda dabkaa ka shidan
Ayaan ahay doonayee
U laabo dib haygu odhan.

Kooras
Uunsiga dariskii shiteen
hawada soo duulisaa
dareenkaygii qastoo
Hillow igu sii dishee
Nin wayn dibad lama dhigee
Dabayshaday ee kumee.

Baydka 2aad

Daruur cirka oon lahayn
Dab iyo qorraxdii kullayl
Kusoo daysoo Dhafoor
Kolkaasuun dakhar ku dhacay
Dareerayo dhiig qulqulay
Ayaa wed kusoo durkee

Illeen duhur dhaawac yaal
Dawooy berri kaalay iyo
Ballani waa tii dishee
Waxaan ku dabiibayaa
Ayaan danbe haygu odhan.

Kooras
Uunsiga dariskii shiteen
hawada soo duulisaa
dareenkaygii qastoo
Hillow igu sii dishee
Nin wayn dibad lama dhigee
Dabayshaday ee kumee.

show more

Share/Embed