Published On Premiered Dec 15, 2020
CODKA┇MUSTAFE DOLLER
EREYADA | FADXI CABDI XASSAN
LAXANKA | MUSTAFE DOLLER
MUSIC | MAWLIID XASSAN FAARAX
EDITED/PRODUCED┇ANIIS ATOM
SONG LYRICS _______
Noloshu waa wada qordoofyo
Qaxarna laga waayi maayo
Jacaylkana qulub ma seego
Markuu calaf qiil ka waayo
Jacaylkaan wada quwaynay
Quw ayneen qurux u yeelnay
Qolfooftiyo ruuxda hoose
Dareenka ku quudinaynay
Siduu qoyskiinu yeelay
Kumuu noqon tacab qasaare!
Qof aan Qalbigaagi raacin
Haddii qasab lagugu siiyay
Adigu qalad haysi saarin
Ileen sidan baa qornayde
Shalay riyadaan qorshaynay
Qoondayneen wada astaynay
Hadduu ka adkaaday qaybku
Oo ay qabyo noqotay maanta
Sidani qadar bay ahayde
Indhaha haka qarin xaqiiqda
Ilmana haw qubin xasuusta
Qab wayni ku waajah xaalad
Aan cidi qosol kaa Filaynin
Ha filin qandhadiyo xanuunka
Inaan qol madow la jiifo
Ha filin nabdigayga qayb yar
Inaan naxli kuugu qaadday
Ha filin qof dad kaa jeclaaday
Inaad qoortiisa goysay
Ha filin inay qoon i gaadhay
Qadarin baan kuu hayaaye
Rajee inay noqon qummaati
Noloshan qalqalooca keentay
Subscribe saar si aan 100k u gaadho | SUBSCRIBE to reach 100k Subscribers.
Follow Atomkka :)
FaceBook ┇https://www.facebook.com/profile.php?...
Instagram┇ / atomkka
Tiktok┇ www.tiktok.com/@atomkka
Snapchat ┇ / me4bkc2o
——————————————————————————
SUBSCRIBE to Reach 100K / @atomkka
©️2020 ANIIS ATOM PRODUCTION | All Right Reserved