ABDIRAHMAN NASRI - WAA BALANE OFFICIAL MUSIC VIDEO 2024
Waqal WStudío Waqal WStudío
2.45M subscribers
4,624,923 views
25K

 Published On Premiered Jan 18, 2024

Abdirahman Nasri
Heesta: Waa Balane
Ereyadii: Sidiiq Jiir
Laxankii: Nasri
Music: Cadceed
Camera & Editing: Khadar Waqal
Afro Waqal Furinle Pro


Lyrics
Jacayl daacadaan kuugu deeqayaa,
Daryeel iyo xurmaan kugu dayrayaa,
Dartaa baan haweenba u daynayaa.

Dushaadaan macaan dahab saarayaa,
Dooni baad badaha ku dalxiisaysaa,
Dunidoo dhan baad damaashaadaysaa.

*********
Sidaad doonaysaan kula doonayaa,
Waxaad diidaysaan kula diidayaa,
Dookhaaga iyo dalabkaad rabtaan,
Waa ii dawee degdeg fulinayaa.

********
Dayaciyo dhibkaan kaa daboolayaa,
Daruuraha cirkaad ku daanshoonaysaa,
Halkaan kula damcay dadku yaabayaan.

Darajooyin baad dumar dhaafaysaa,
Dariiqaad martay kugu dayanayaan,
Dawlado dhan baa diiwaan kugu sharixi.

show more

Share/Embed